SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Xasan oo war kasoo saaray tallaabadii Golaha Wasiirrada

|

Muqdisho (Kaab TV)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Golaha Wasiirrada kaasi oo lagu meel-mariyey qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dallka madaxweynaha ayaa waxa uu soo dhaweeyay qaraarkaas ay maanta ku ansixiyeen golaha wasiirradu shirkooda todobaadlaha kaas oo ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha tallaabada Golaha Wasiiradda ayaa waxa uu ku tilmaamay mid looga hortago musuq-maasuqa loona taabo-galinayo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka la kobcinayo awoodda hirgalinta lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka la dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah ee waxa uu sidoo kale halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka Maaraynta Dakhliga Dalka Iibka iyo Qandaraaska Qaranka Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Hasayeeshee talabadaan ayaa ah mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News