SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u safray Eritrea

|

Muqdisho (KAAB tv )  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray Dalka Eretareeya si uu ula kulmo Madaxweynaha Dalkaas Isaias Afwerki sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxyaabaha ay kawada hadlayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dhiggiisa Eretareeya Isaias Afwerki ma shaacin Villa Somalia, sidoo kale ma sheegin muddada uu qaadanayo socdaalkiisa Asmara.

Eretareeya waxa ay Soomaaliya usoo tababartay Ciidamo isugu jira Badda, Militari & Kuwa Cirka kuwaas oo tababar sanado socday kusoo qaatay Dalkaas, dhowr jeer ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu tagay waddankaan.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Eretareeya ayaa kusoo beegmaya iyada oo uu taagan yahay khilaafka ka dhashay is afgaradkii 1dii Janaayo 2024 ay Addis Ababa ku gaareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News