Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala gudaha dalka, wuxuuna kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo bulsho oo dhameystiran, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladda u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiiriga ah, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidanka Xooga dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka Al-Shabaab, iyagoo Sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.