Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay hawlgalka diyaaradaha Marerykanku ku beegsadeen saldhigyo iyo godad ay ku jireen kooxda Daacish oo ku yaalla gobolka Bari.
“Hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeenna iyo gobolka guud ahaan, waxaan si qoto dheer ugu mahad celinaynaa dowladda Mareykanka”
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa lagu wargeliyay duqeynta Mareykanka uu fiidnimadii caawa la beegsaday hoggaanka sare ee Daacish ee ku sugan waqooyi bari Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia
Dhanka kale, Waxaa uu bogaadiyay taageerad hagar la’aanta ah ee Maraykanku uu ka gaysto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah isagoo soo dhaweeyay ballanqaadka joogtada ah ee Mareykanka.
“Soomaaliya waxay weli ku adkaysanaysaa inay la shaqeyso xulafadeeda si meesha looga saaro argagixisada caalamiga ah iyo xaqiijinta xasiloonida gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya.