Nairobi (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed kuleeyihiin Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa si gaar ah u tagay suuqa ganacsiga ee BBS mall oo ah suuqa ugu weyn ee dalka Kenya ayna hirgaliyeen ganacsato Soomaali ah, waxa uuna halkaasi Madaxweynaha waqti kula qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.
Ugudambeyn, Suuqa BBS mall oo ay hirgaliyeen ganacsato u badan Soomaali ah ayaa laga furay xaafada Soomaalida u badan tahay ee Islii, waxa uuna suuqan yahay mid weyn oo laga helo adeeg walbo oo ay dadku u baahan yihiin.