Muqdisho (KAAB TV) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabtay jiidaha hore ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, labo maalmood un kadib markii uu muddo kooban uu wada hadallo heer sare ah la qaatay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mahamat Ali Youssouf.
Sida ilo-wareedyo badan ay u xaqiijiyeen warbaahinta Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud ayaa dib u habeyn ku sameynaya shirar iyo doodo istaraatiijiyadeed oo ka kala socda gobollo kala duwan si loo agaasimo ololaha milateri ee lagu doonayo in lagala wareego deegaannada kooxda xagjirka ah.
madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ballan qaaday in uu waqti badan ku bixin doono furimaha dagaalka isaga oo garabsanaya ciidamada dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo maleeshiyaadka Macawiisleeyda ah ee deegaanka, kuwaas oo si wada jir ah ugu dagaalamaya sidii Al-shabaab looga sifeyn lahaa deegaannada ay weli kaga harsan yihiin. Joogitaankiisa furimaha hore ee dagaalka ayaa loo arkaa mid niyadda u kordhinaya ciidamada ku jira dagaallada xooggan ee ka socda guud ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Dhanka kale, ammaanka Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo qaar ka mid ah Saraakiisha Madaxtooyada ay ku sugan yihiin, si loo xaqiijiyo xasiloonida. Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn halka uu ku wajahan yahay, ayaa haddana wararku waxay sheegayaan in la filayo in madaxweyne Maxamuud uu booqdo goobo hor leh oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Joogitaankiisa aagga dagaalka, ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ay hoosta ka xariiqday sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii joogteyso cadaadiska Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ammaanku ay ku dadaalayaan in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan goobo muhiim ah.