SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Xasan Sheekh oo eedeyn culus dusha u saaray mucaaradka

|

Galmudug (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku jooga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa ka hadlaya arrimo badan ah oo ay ka mid yihiin doorashada muranka hareeyay ee qof iyo codka ah, wax-ka-bedddelka Dastuurka iyo wadahalladii u dhaxeeyay dawladda iyo madasha samatabixinta mucaaradka.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhalliilay xubnaha mucaaradka in ay iyagu lahaayeen sababta keentay in isfahan uu ku dhammaan waayo wadahadalaadi na dhexmaray.

“maxaad diiddan tihiin dastuurka waa badan yahay, Waxa la yiri cutub la yiraahdo afraad oo ka mid ah afartii cutub ee dib loo eegay, ha la celiyo. Cutubkii afraad ee ku jiray 2012, haddii uu na anfacayo mid kalaba lama sameeyeen. Na ma anfacayo. Cutubka afraad qaata kan aad rabtaan soo qora oo aan ka wada hadalno. Saddexdii shir ee ugu horreeyay waxba waa ay keeni waayeen.

“Kii afraad ayay qodobbo keeneen. Waan oggolaanay in aan baarlamaanka ku celinno. waxaan dhahnay tan waan oggol nahay ee wixii kale aan ka wadahadalno. Maya e’ tan hala ansixiyo, wixii kalana ha laga wada xaajoodo” Maalin walba wadaxaajood ma wadi karno ” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News