Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin culus u diray madaxda Somaliland

|

Muqdisho (Kaab)  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland laga rabo in ay dhageysato rabitaanka dadka reer Sool, taasi bedelkeedana midnimada ay rabaan reer Laascaanood loo mari doono waddado nabaddeed ee aan qori caaradii lagu raadin.

Somaliland dalka Soomaaliya qeyb kamid ah waaye anagu aan qabna, kala go’a ma aaminsanin kuma raacsani laakiin haddana inta madaafiic urakibano midnimada xoog idinku soo raacsiineyna ma-lihin, waana waxaan 30 sano u kala joogno oo maalin walba leenahay saan ma aha, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dadku waa Soomaali oo dad sharaf leh oo isla dashay, islana degan. Siyaasadii aan isku imaano aan ka wada-hadalno oo aan hagaajino sidoo kale intaas unba ku dabaqmeysa waxa Laascaanood ka jira. Ha la wada-hadlo, waxa lagu kala duwan yahay ha laga wada-hadlo oo meel ha la isku raaco.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku cel-celiyay in dowladda federaalka Soomaaliya mowqifkeeda uu yahay midnimo oo aysan marnaba ka tanaasuleyn, balse ay u marayaan is-qancin iyo miiska wada-hadalka.

“Dadka reer Sool ha la dhageysto oo ha-lala hadlo, midnimada rabna hadey yiraahdeen qof laguma colaadin karo adigaba gooni isu-taaga rabaa ayaa tiri lagumana colaadiyo. Walaalka midnimada raba waxaa u sheega midnimada nabada ku rabna, heshiis ayaa ku rabna oo dhiig in uu ku daato ma rabno.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladda federaalka aysan raali ka aheyn in ay colaadiyaan Somaliland, isaga oo xusay in maamulkaasi looga fadhiyo sidii uu jawi nabdoon ugu xalin lahaa tabashada taagan.

“Waxaa u taaganahay midnimada, waa rabna mana ka tanaasuleyno oo wax aan ku badaleyno midnimada oo masaalix ah oo naloo balan qaadi karo majiro. Laakiin nabad iyo wanaag iyo wada-hadal ayaa ku rabna, Ilaahay waxaa ka rajeynayna inay sidaas ku hagaagto.”

Dadka reer Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool ayaa kal hore si weyn u muujiyay mowqifkooda ku aadan midnimada Soomaaliyeed, iyaga oo si adag uga soo horjeestay gooni isu-taagga Somaliland, taasi oo dhalisay dagaalka illaa hadda halkaasi ka socda, ee uu dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News