SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Caleemo Saarka Madaxweynaha Turkiga

|

Ankara (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa gaaray Maagalada Ankara.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in uu  kulamo doceedyo uu kula qaato Magaalada Ankara Madxada ka qayb galeysa Xafdlada Caleemo saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo dib loo doorty.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkan waxaa qeyb kala ah la-taliyeyaal ka tirsan xafiiskiisa, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

WaxaaHoray udhexmaray labadan madaxweyne xiriir khadka taleefoonka  Xasan Sheekh ayaa Erdogan ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Soomaaliya ayaa ka mid aheyd dalalka sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee ka dhacday dalka Turkiga.

Hasayeeshee, Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dal oo saaxibo ah, waxayna xukuumadda Ankara ay si gaar ah door weyn uga qaadataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News