SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in akoonkiisa lagu shubay lacago gaar ah

|

Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu eedeeyay in uu jeebka ku shubtay lacago badan oo ganacsato iyo dad kale looga qaaday dhul danguud ahaa oo laga iibiyay, lacagtaas ayaana la sheegay in si gaar ah Madaxweynaha jeebkiisa ugu dhacday.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in lacago badan oo lagu iibiyay dhulal danguud ah oo caasimadda kuyaalla  aan lagu shubin qasnada dowladda, waxa uuna xusay in lacaghaaasi si gaar ah ugu dhaceen akoomkada Madaxweynaha.

”Lacagihii laga qaaday midkoodna laguma shubin qasnadda dowladda, waxaana caddayn u ah in aysan miisaaniyadda Baarlamaanka hortaalla dakhli iyo qarashayn meelna kaga jirin. Akoon Madaxweynaha u gaar ah ayaa lagu shubaa” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhanka kale, Waxa uu sheegay xildhibaanka in dowladda hadda jirto waxa ugu wayn ee  laga rabay ay aheyd in ay danyarta ilaaliso, laakiin taa caksigeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u waynyahay ay hadda ilaaluso  danta madaxyaweynta.

”Maxaad ka filanaysaa dadka rayadka ah ee tabarta daran ee magaca dowladeed lagu barakicinayo, iyadoo dhulka laga qaadayna loo qaybinayo ganacsato lacag laga qaaday, siyaasiyiin taageero laga rabo, iyo dad ehel iyo asxaab ah oo lagu naasnuujinayo? Ma is leedahay dadkaas ayaa dawlad jeclaanaya?” ayuu isweediiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugudambeyn, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay ku takrifalka awoodda dolwadeed iyo ku tumashada xuquuqda muwaadinka, gaar ahaan kan nugul, ay tahay sababaha ugu wayn ee horseeday burburkii qaranka, dadkana nacsiiyey dowladnimada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News