Dhuusamareeb(KAAB TV) –Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhusuamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka uga hortagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), mas’uuliyiinka deegaanka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo usoo banaan baxay soo dhaweeyntiisa.
Ammaanka magaaladan ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo gol-hore loo diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya oo lasii ogaa inuu tagayo Dhuusamareeb.
Xasan Sheekh ayaa kulamo ka bilaabi doono Madaxtooyada Galmudug, isaga oo la kulmi doono mas’uuliyiinta maamulka, waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada oo uu kala hadli doono xaaladda gobolka iyo qorshayaasha dowladda ee la xiriira Galmudug.

