SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Xasan Sheekh oo muddo kaddib aqbalay in uu xilka ka qaado Wasiir Jaamac

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir, halka kuwa kalana uu boosaskooda isku beddelay.

Xubnaha ay sida weyn u saameysay isku shaandheynta lagu sameeyay golaha Wasiiradda , waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo sanado kaddib laga wareejiyay booskaasi, waxaana hadda laga dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale, warar hoose ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay sabab utahay in Wasiirka Gaashaandhigga la beddelo, kaddib markii marar badan saraakiil Mareykan ah cabasho ka muujiyeen la shaqeynta Wasiirka Gaashaandhigga oo curyaamiyay Wasaaradda sababna u noqday guuldarooyin badan.

Dhanka kale, Mareykanka ayaana ku cadaadiyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu Wasaaradda Gaashaandhigga ka beddelo Cabdiqaadir Maxamed Nuur, waxa uuna Madaxweynaha muddo kaddib aqbalay cadaadiska dowladda Mareykanka oo muhiim u ah taageerada ciidanka qalabka sida.

Ilo Diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay Mareykanka ka caga jiidayeen howlaha taakuleynta ciidanka ee dhanka la dagaalanka Argagixisada, sababo ku aadan wada shaqeyn la’aan kala dhaxeysay Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur .

Sikastaba, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, ayaa hadda laga dhigay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, waxa uuna ninkan kamid yahay xubnaha uu sida weyn u aaminsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh aadna u taageera sii joogta Madaxweyne Xasan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News