Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Jabuuti

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u ambabaxay booqasho rasmi ah oo uu ku tagayo dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kulanka labada madaxweyne ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada amniga, iskaashiga dhaqaalaha iyo isuduwidda arrimaha siyaasadda.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan xaaladaha gobolka Geeska Afrika iyo isbeddellada ka socda caalamka, oo ay ku jiraan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Socdaalkan ayaa noqonaya safarkii ugu horreeyay ee dibadda ee Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii uu dhowaan saxiixay dastuurka cusub ee dalka, kaas oo ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ee gobolka, waxaana ay door weyn ka qaadatay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo sidoo kale ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Jabuuti ayaa sidoo kale si adag u cambaareysay aqoonsiga Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, iyadoo mar kale xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News