Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Racep Tyyip Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalka Turkiga.
Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.
Dowladda Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka taageera Soomaaliya, waxaana uu siweyn uga caawiyaa tababarida Ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkigu waxa uu marka kale dib u xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 markaas oo ay xaalad adag oo abaarihii ka jirtay gayiga Soomaaliya. Turkiga oo uu markaa R/lwasaare ka ahaa Recep Tayyip Erdogan ayaa Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda xukuumaddii markaas jirtay Ahmet Davutoglu u soo diray Soomaaliya.
Turkiga ayaa ugu deeqay Soomaaliya malaayiin doolar, iyaga oo aan u soo marin hay’adaha kale ee caalamiga ah, balse iyaga ayaa yimid Soomaaliya oo si toos ah uga qayb qaatay samatabiximta walaalahood Soomaaliyeed oo markaa u baahnaa garab istaag iyo hiil walaal.
Turkiga weli waxa ay ka qayb qaataan xaalaha bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, waxaana Caasimadda dalka xarumo ku leh hay’adaha Turkiga ugu waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta sida Kizilay, IHH, TIKA iyo kuwo kale. Sidoo kale, waxa ay Turkigu dalkooda si joogta ah ugu qaadaan shacabka ku dhaawacma qaraxyada ka dhaca dalka, waxa ay sidoo kale kaalmo caafimaad oo dibadda ah u fidiyaan dadka qaba xanuunada aan waddanka gudihiisa waxba looga qaban karin.