Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo u gudbiyey codsi ku saabsan kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga Baarlamaanka.
Sidoo kake, kulanka waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kuxigeennadiisa iyo madaxda dowlad-goboleedyad Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye; Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka sheegay kulankaas inay Xukuumadiisu ka go’antahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo in aan marnaba lagu laaban hannaankii hore ee doorashada dadban.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa xusay doorka muhiimka ah ee ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya qaateen muddadii la soo dhaafay, iyagoo dhexda u xirtay qabyo-tirka dastuurka, difaaca iyo adkeynta midnimada dalka, waxa uuna adkeeyey rajada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dowladnimada.
Xassan Shiikh ayaa sidoo Kale u sheegay Xildhibaanada in maalinta Khamiista uu hor imaan doono labada aqal ee Baarlamaanka oo wadajira ah si uu ugu jeediyo Khudbad ka hadlaysa qorshaha ay Dowladdiisu ka leedahay geedi-socodka dalka iyo qabsoomida doorasho shacab.
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in marnaba uusan raadineyn mudo kordhin, isagoo balanqaaday in doorashada ay waqtigeeda ku dhici doonto.
Ugudambeytii, madaxweynuhu marka uu hortago baarlamaanka waxa uu ka codsan doonaa in la kordhiyo waqtiga Kalfadhiga baarlamaamka oo bishan dhalanaysa bilowgeeda xirmi lahaa, hasa ahaatee uu codsan doono mudo u dhaxaysa 30 ilaa 40 cisho in lagu daro si uu u horkeeno baarlamaanka Sharciga Doorashada uu doonayo.