SO | EN

SO | EN

Madaxweyne Xasan Sheekh “Ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanaya in is cafiyaan maalmaha farxadda leh ee Ciida”

|

Muqdisho (KAAB TV) -Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed u diray Hambalyo ku aadan munaasabada Ciidul Carafo.

Madaxweynaha oo jeediyay khudbad dhinacyo taabaneysay ayaa ugu horeyn si adag uga hadlay dagaalka dowladda iyo dadka deegaanka kula jiraan kooxaha loogu yeero argagixisada ee ka socdo qeybo ka mid ah gobolada dalka.

“Walaalayaal kooxaha Khawarijta waxay baneysteen dhiiga iyo maalka dadka Soomaaliyeed, waxay caqabad ku yihiin jiritaanka dowladda Soomaaliyeed, waxay abuureen baahiyo dadka ka maarmi kareen iyo in horumar gaaraan dadka Soomaaliyeed, waxan ku baaqaya in Khawarijta dagaalkooda loo midoobo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale khudbaddiisa ku sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in cafis loo fidinayo dhalinyarada dooneysa iney ka soo tagaan kooxda Al-shabaab farxada maalmahan Ciida ah awgood.

“Maalintan farxadda leh darteed dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab waxay haystaan fursad cafis ah oo ay dadkooda ugu soo laaban karaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale dalbaday madaxweynaha in bulshada Soomaaliyeed is cafiyaan oo laga shaqeeyo mideynta isku keenida Ummadda Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanaya in Maalmaha farxadda leh ee Ciida is cafiyaan oo la xasuusto kuwo danta yar, Diinteena suuban waxay na fareysa inaan caawino kuwa danyarta ah ee walaalaheena ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khudbada madaxweynaha ayaa waxaa ka mid aheyd in dowladiisa ay ka go’an tahay dhamaystirka dastuurka dalka iyo qabashada doorasho dadweyne.

“Suuratal maaha in dalkeenu uu 30 sano hal meel taagnaado oo dastuurkiisa qabyo ahaado, doorasho dadban la taagnaado, gogasha aan fidiyay way furan tahay mar walbana way furnaan doonta” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa amaan iyo bogaadin balaaran u jeediyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab oo uu xusay in soo jeedkooda ku seexdaan shacabka Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News