KISMAAYO (Kaab TV) – Madaxweyne ku Xigeenka Jubaland, Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Luga Dheere) ayaa ku baaqay in dadweynaha ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Wuxuu hadalkan jeediyay xilli uu maanta khudbad ka jeediyay masjidka madaxtooyada Kismaayo.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in kooxo ‘diinta magaceeda ku qaraabta, sida uu yiri ay duulaan ku yihiin islaamka, iyagoo oo hab argagixisanimo u adeegsada diinta.
“Cadowga faraha badan oo diinta ku soo gambanaayo, oo aan diinna ogoleyn nololna ogoleyn,” ayuu yiri Cabduqaadir Xaaji Maxamed.
“Inaad ummadda u sheegtaan, dagaalka lagula jiro inaad hormuud ka noqotaan baan idinka codsanayaa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ka maqan dalka, isagoo muddooyin ku maqnaa Imaaraadka Carabta iyo Kenya.