SO | EN

SO | EN

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif oo goordhow kadagi doono Garoowe

|

GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhoweyd safar ugu ambabaxay magaaada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan shirar wadatashi oo looga xaaladaha dalka uu haatan kujiro iyo wax kabadalka Dastuurka oo ay Villa Somalia gadaal kariixeyso.

Sidoo kale, Wafdiga Sheekh Shariif uu hoggaaminaayay waxaa kamid ah Xildhibaano iyo saraakiil ciidan, safarkooda ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Villa Somalia ay rabto in ay si xoog ah kumeel mariso dooda wax kabadalka Dastuurka.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa shalay magaalada Muqdisho waxa uu kuqabtay Shir jiraa’iid isagoona sheegay in dalka uu haatan kusocdo waddo qaldan, isagoona baaq udiray madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ugu baaqay in uu kabaaqsado arrimahan uu sida xowliga ah uu kuwado.

Goor sii horeysay waxaa shalaya magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland kadegay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo halkaas oo ay isbaheysi cusub kusameynayaan madaxdan oo ugu horeeyo Saciid Deni Sheekh Shariif iyo Farmaajo.

Ugudambeyn, waxaa maalmaha soo socdo lafilayaa in uu shir wadatashi ah uu kafurmi doono magaalada Garoowe ee Caasimada maamulk Puntland shirkan wadatashiga ayaa waxaa garwadeen ka ah maamulka Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News