Kuuriyada Koonfureed (KAAB TV) – Waaxda la dagaallanka musuq maasuqa Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in saakadii hore ee Arbacada maanta ah laxiray madaxweynihi xilka laga xayuubiyay ee dalkaasi Yoon Suk Yeol.
Sidoo kale, xariga madaxweyne Yoon ayaa yimid saacado kaddib marki ay boqollaal ka mid ah baarayaasha waaxdan iyo saraakiil boolis ay galeen hoyga Yoon Suk Yeol, wuxuuna ahaa iskudaygi labaad ee ay ciidamada boolisku ku galaan guriga madaxweynihi hore.
Gaadiidka booliska oo kasii baxaya guriga madaxweynihi hore ayaa laga arkay muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Dhanka kale, Yoon ayaa muddo todobaadyo ah diidaanaa in uu isu dhiibo ciidamada hay’adda la dagaalanka musuqa ee Kuuriyada Koofureed, kuwaas oo ku soo oogay dacwado la xiriira musuq maasuq iyo isku day afganbi, hase yeeshee qareennadiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah ayaa is hor taagay xariga madaxweynihi hore.
Yoon Suk Yeol ayaa 3-di bishii December dul dhigay waddanka Kuuriyada Koofureed amar deg deg ah, kaas oo haddii uu dhaqan gali lahaa meesha ka saari lahaa xakunka madaniga ah, awoodda baarlamaanka iyo booliska, taladana ku koobi lahaa kaliya madaxweynaha.
Hase yeeshee shacabka iyo baarlamaanka ayaa taasi diiday, waxana ay keentay in saacado kaddib uu ka laabto go’aankaasi.
Baarlamaanka dalkaasi ayaana ugu danbeyntii xilka ka xayuubiyay madaxweynihi hore ee kuuriyada Koonfureed.