SO | EN

SO | EN

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo qirtay in Itoobiya ay ku guuldareysatay is-afgaradka muranka dhaliyay

|

Hargeyso (KAAB TV) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qirtay in Itoobiya lagu qasbay inay ka baxdo heshiiskii muranka dhaliyay ee ay la gashay Somaliland 1-dii Janaayo 2024, kaddib markii ay mucaaradad xooggan kala kulantay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo cadaadis caalami ah.
Wareysi uu dhawaan bixiyay, ayuu Biixi ku macneeyay in Muqdisho ay ku guuleysatay inay ka hortimaado sharcinimada heshiiska, kaasoo halis ku ah midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in cadaadiska diblumaasiyadeed iyo midka sharci ee isa soo taraya ay ku qasbeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu ugu dambeyntii baabi’iyo heshiiska.
“Itoobiya way ku jabtay heshiiskii ay la gashay Somaliland, xataa waxa la go’aamiyay in xarunta Midowga Afrika laga raro Addis Ababa, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabtaba way ka soo horjeesteen heshiiskaas sharci-darrada ah,” ayuu yidhi hoggaamiyihii hore ee Somaliland.

Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in Turkiga, Jabuuti, Masar, iyo dalal kale ay kaalin mug leh ka qaateen dhexdhexaadinta khilaafka iyo sidii loo gaari lahaa go’aan muhiimad gaar ah u leh midnimada dhuleed iyo midnimo qaran ee Soomaaliya.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Addis Ababa iyo Hargeysa ku dhex maray ayaa caro ka dhaliyay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, iyadoo dadka dhaliila ay ka digayaan in heshiiskaasi uu wiiqayo nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News