SO | EN

SO | EN

Magaalada Gaza oo la gaynayo 200 oo askari oo ka kala socda dalalka Masar, Qatar, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta

|

GAZA (Kaab TV) –Magaalada Gaza waxaa la gaynayaa 200 oo askari oo ka kala socda dalalka Masar, Qatar, Turkiga iyo Imaaraatka Carabta waxaana kor kala soconaya ciidamo Maraykan ah si loo xaqiijiyo xabbad-joojinta ay galeen Xamaas iyo Israa’iil.

Hoggaamiyaha Xamaas ku metalay wadahadalka ka dhacay Dalka Masar waa Khaliil Xayya ayaa sheegay in labo sanno kaddib ay dhankooda soo gabagabeeyeen dagaalka iyaga oo iska caabiyay ciidanka kusoo duullay ee rabay in uu qabsado Gaza.

Waxa uu intaas ku daray in ay la shaqaynayaan ciidamada nabad ilaalinta ah ee dalalka kala duwan ka kala socda, dhankooda ayuu tilmaamay in si buuxda u dhaqangeliyaan heshiiska ay galeen loona baahan yahay in uu dhinaca Israa’iil ka fulo.

“Falastiin way guulaysatay, waxa ay iska dhicisay cadawga kusoo duullay, isma dhiibin Mujaahidiinta, waxa aan dhankeenna ku dhawaaqaynaa in aan soo gabagabaynay dagaalka socday labada sanno, waxa aan doonaynaa in loo gurmado Shacabka Falastiin oo aan markii horeba u difaacanay arrintaas darteed” Ayuu yiri Khaliil Xayya.

“Nabadgalyo Gaza, Nabadgalyo wiilasha, Gabdhaha, Wiilashada, Shuhadada nool & qof weliba oo kusoo sabtay arrintaan, mowqifkeenna weli waa halkiisa oo waxa aan doonaynaa xuquuqda iyo maslaxada dadkeenna, waxa aan rabnaa Dowlad Falastiin oo Caasimaddeedu tahay Qudus Shariif” Sidaasi waxaa yiri Khaliil Xayya.

Waxaa dib loo furayaa Marinka Rafax si halkaas looga gudbiyo Gargaarka ku xayiran dhinaca Masar, Xukuumadda Qaahira ayaa fududayn doonta kaalmada Bani aadamnimo ee Dalalka kala duwan ka timid ee loo wado Shacabka Magaalada Gaza.

Dalal badan ayaa soo dhaweeyay arrintaan lagu gaaray xabbad-joojinta, waxa ay soo jeediyeen in lala socdo dhaqdhaqaaqa ay samaynayaan dhinaca Israa’iil oo dhowr jeer ka baxday ballamo lagu gaaray heshiisyo ka dhacay Dalal dhowr ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News