Los Angeles (KAAB TV) – Qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka oo shantii maalmood ee la soo dahaafay ayaa marti galisay dibadbaxyo rabshada wata oo ay dhigayaan dad ka soo horjeeda siyaasadaha socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump ayaa la geliyey Bandow soconaya 8-da fiidnimo illaa 6-da subaxnimo.
Sidoo kale, Mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Los Angeles dadka teleefoonada isticmaala u diray farriin lagu ogeysiinayo in magalada lagu soo rogey bandow islamarkaana la xiddiday dhaqdhaqaaqa habeenkii, marka laga reebo dadka shaqada u socda iyo kuwa xaaladaha degdegga qabsadaan.
Dhanka kale, duqa magaalada Los Angels Karen Bass ayaa ku dhawaaqday in badowgu saameynayo dhul baaxadiisu dhan tahay 1 mile oo isku wareegga, waxaana goobaha bartilmaameedka ka mid ah faras magaalaha Los Angels inta u dhexeysa 8:00 pm illaa 6:00 am.
Sikastaba, Karen Bass ayaa maanta xiriir la sameysay madaxweyne Trump oo ay u sheegtay in uu joojiyo ciidamada ICE ee uu magaalada ku soo daldalayo, kuwaas oo ay sheegtay in joogitankoodu qalqal ku hayo magaladeeda, dadweynah magalada ayaa aad ula fajacay in la xayiro soc socodkooda.