SO | EN

SO | EN

Magaalada Muqdisho oo qarax ku waabariisatay

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Qarax khasaare xooggan geystay ayaa saaka oo Usniin ah ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho kaas oo lala eegtay sarkaal ka tirsan Dowladda.

Qaraxan wuxuu ka dhacay meel u dhaw maqaayadda Rajo Ee ku taalla xaafadda Beexaani ee  Degmada Shibis.

Ilaha hordhaca ayaa sheegaya inuu ahaa qarax lagu soo xiray baabuur hase yeeshee jugtiisu ay aad u cusleyd.

Markii qaraxu dhacay baabuurka la beegsaday qofna ma saarneen, waxayna Boliisku sheegeen in qofna aysan wax ku noqon waxaana la arkayay qiiqa iyo uuro ka dhashay qaraxan oo hawada isku shareeray.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in baabuurka uu yaallay goob baabuurta la dhigto oo waddada dhinaceeda ah markii bambka oo sida muuqata baabuurka ku xirnaa uu qarxay. Sarkaalka watay oo aan la magacaabin ayaa ka maqnaa sida la xaqiijiyay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo isku keedaamay goobta, kadibna sameeyay baaritaano kooban.

Magaalada Muqdisho dhawrkii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo waxyeelo ba’an ka dhashay oo lala eegtay masuuliyiin Dowladda ka tirsan.

Dadweynaha ayaa ka walwalsan kororka weerarada argagixisada ee gudaha caasimada iyadoo khasaaraha weeraradan ay yihiin kuwo sii kordhaya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News