Muqdisho (KAAB TV) – Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaal iyo qoraallo muujinaya dadweyne ka cabanaya diiwaangelin qasab ah oo ka socota xarumaha laga qaato kaarka codbixinta ee magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga qabtay waddada ka dibna lagu qasbay inay qaataan kaarka codeynta, iyaga oo aan raalli ka ahayn, taasoo keentay su’aalo badan oo la iska weydiinayo hufnaanta hanaanka codbixinta.
Arrintan ayaa si degdeg ah waxaa uga falceliyay Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in qof lagu cabburiyo codkiisa ama xorriyaddiisa doorasho.
Afhayeenka guddiga, Cabdifataax Feysal Xuseen, ayaa si kulul uga hadlay eedeymaha isa soo taraya waxaana uu shacabka u sheegay inaysan aqbali karin xadgudubkaasi.
“Cid kasta oo qasabta shacabka Soomaaliyeed waxa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga,” ayuu yiri afhayeenka isagoo la hadlay warbaahinta gudaha.
Guddigu waxa uu hoosta ka xariiqay in qaadashada kaarka ay tahay xuquuq dastuuri ah, balse aanay ahayn waajib khasab ah oo lagu daro qof kasta si awood loo muujiyo.
Dadweynaha qaar ayaa sheegay in la siiyay digniin ah in haddii aysan qaadan kaarka, ay waayi karaan adeegyo dowladeed.
Waddooyinka oo aan la mari karin
Labo toddobaad ka hor waxaa waddada Buulo Xuubeey ee magaalada Muqdisho laga afduubay gabar wariye ah oo lagu magacaabo Shukri Caabi Cabdi taas oo sheegtay in si qasab ah loo geeyay iskuulka Jabuuti, kadibna laga qaaday sawir iyo faro si loogu sameeyo kaarka codeynta iyada oo aan dooneyn.
Waxaa jira eedeymo ah in askarta dadka soo qafaaleysa ee dadka ku qasbeysa qaadashada kaarka codeynta la siiyo lacag gaareysa 0.5 (nus doolar) qofkasta oo la diiwaangaliyo.
Waxyaabaha kale ee yaabka leh ayaa ah in diiwaangalintan oo socotay tan iyo bishii Abriil ee sannadkan aysan illaa hadda lahayn xilli ay ku eg tahay.
Isbahaysuga mucaaradka dalka oo la baxay Madasha Samatabixinta ayaa ku tilmaamay dadweynaha lagu qasbaayo kaarka doorashada mid sharci darro ah, waxayna horey u sheegeen inaysan jirin doorasho balse ay jirto qorshe ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonayo inuu ku sameysto shaati isaga la eg.

