SO | EN

SO | EN

Magacyada 44 Soomaali oo dil sugayaal ku ah Sacuudiga

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Sacuudiga ayaa fuliyay xukun dil ah oo lagu fuliyay Maxamed Nur Xuseen oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu dalkaasi si sharci darro ah ku geliyay maandooriyaha xashiishka.

Xukunka dilka, oo lagu fuliyay magaalada Najraan ee koonfurta Sacuudiga, ayaa si weyn loo dhaliilay, waxaana ehelada marxuumka ay sheegeen in uu helin xaquuq sharciyeed oo dhameystiran, oo ay ka mid tahay helitaanka qareen difaaca iyo fursad uu rafcaan uga qaato xukunka.

Sacuudiga ayaa si aad ah u kordhiyay xukunnada dilka, gaar ahaan kuwa la xiriira dambiyada daroogada.

Sida laga soo xigtay ururka Amnesty International, sanadkii 2024, dalkaasi waxa uu fuliyay 198 xukun oo dil ah, tiradii ugu badneyd ee la diiwaangeliyo muddo sanado ah.

Sacuudiga ayaa dadka ay qabtaan ku haya xabsiyo adag, waxaana aad u yar in dadka eedeysan ay helaan caddaalad buuxda oo ay isaga difaaci karaan eedeymaha loo jeediyo.

LIISKA SOOMAALI KALE OO DIL SUGAYAAL AH

Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado la xiriira difaaca muwaadiniinteeda ku xiran dalal shisheeye, gaar ahaan kuwa ay xukunka adag ka jiraan.

Dowladda Federaalka ayaa ku fashilantay inay u doodo, oo ay difaacdo Maxamed Nur Xuseen ka hor intaan la dilin.

Sacuudiga ayaa dadka ay qabtaan ku haya xabsiyo adag.
Sacuudiga ayaa dadka ay qabtaan ku haya xabsiyo adag.

Haddaba, waxaan idiin soo gudbineynaa magacyada 44 ruux oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan dumar,  kuwaas oo Sacuudiga uu hadda doonaayo inuu dilo.

Dhammaantood waa muwaadiniin hadda ku jira xabsiyada dalka Sacuudiga, waxaana ay wajahayaan halis ah in lagu fuiliyo xukun qur-gooyo ah.

Kaab TV ayaa heshey liiskan.

  1. Maxamed Nuur Xuseen Gacal – Abgaal / Reer Mataan (Waa La dilay). Wuxuu ahaa aabe leh 5 carruur ah.
  2. Xamdi Cabdullahi Cabdiraxman Cali – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
  3. Maxamed Carab Cumar Cabdi – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
  4. Axmed Ibraahim Axmed Sheekh – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
  5. Cumar Cabdi Cabdicasiis Khaliif – Sheekhaal / Reer Aw Qudub
  6. Axmed Maxamed Maxamuud Maxamed – Majeerteen / Idigfale
  7. Mustafe Cabdi Maxamed Ismaaciil – Akishe
  8. Cabdiraxmaan Cali Maxamuud Cabdoo – Dagoodi / Saransoor
  9. Ramadaan Xuseen Geedi – Ciise / Furlabe
  10. Cabdullahi Axmed Cabdi Cali – Dhulbahante / Faarax Garaad
  11. Ibraahim Cabdi Jaamac – Dhulbahante / Maxamuud Garaad
  12. Siyaad Faarax Jaamac Cumar – Geri Koombe
  13. Farxaan Cabdi Maxamed Qalinle – Samaroon / Reer Maxamed
  14. Axmed Aadan Xasan Ducaale – Samaroon / Reer Maxamed
  15. Cabdiqaadir Maxamuud Cali Absuge – Harti Abgaal / Agoonyar Gaababe
  16. Cabdiqaadir Ibraahim Axmed Cadaawe – Harti Abgaal / Abuukar Gaabane
  17. Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan – Raxanweyn / Hadimo
  18. Cali Cabdiraxman Mursal Aadan – Raxanweyn / Hadimo
  19. Khalid Cabdi Ibraahim Carab – Habasguul / Guuleed Jaamac
  20. Jawhar Ibraahim Dayib Cabdullahi – Habasguul / Xasan Cismaan
  21. Maxamuud Cabdiraxman Ibraahim – Habasguul / Garuure
  22. Cabdiqaadir Maxamed Xuseen Bare – Ogaadeen / Camar
  23. Mukhtaar Macalin Cabdi Maxamed – Ogaadeen / Camar
  24. Maxamed Awal Cali Xuseen – Ogaadeen / Camar
  25. Cabdinuur Axmed Yasiin Sheekh – Ogaadeen / Camar
  26. Cabdiraxmaan Xasan Cabdi – Ogaadeen / Camar
  27. Cabdi Kaamil Maxamed Xuseen – Ogaadeen / Camar
  28. Cabdiraxmaan Cali Maxamed Maxamed – Ogaadeen / Camar
  29. Cabdi Asad Axmed Sulub – Ogaadeen / Makaahiil
  30. Cabdiraxmaan Xasan Cumar Cali – Ogaadeen / Makaahiil
  31. Xasan Axmed Cabdullahi Maxamed – Ogaadeen / Makaahiil
  32. Maxamuud Aadan Sulub Bile – Ogaadeen / Makaahiil
  33. Cumar Axmed Maxamuud Cali – Ogaadeen / Cawlyahan
  34. Maxamed Bedel Aadan Faarax – Ogaadeen / Cabdale
  35. Maxamuud Axmed Yuusuf Maxamuud – Ogaadeen / Cabdale
  36. Maxamed Maxamed Ibraahim Cabdullahi – Ogaadeen / Reer Isaac
  37. Irshaad Cali Muuse Caraale – Ogaadeen / Reer Isaac
  38. Zekeriye Yaxye Muxsin Cabdullahi – Ogaadeen / Reer Isaac
  39. Waliid Cabdi Jadiido Cabdisamad – Ogaadeen / Reer Isaac
  40. Ismaaciil Aadan Saabir Burhan – Ogaadeen / Reer Isaac
  41. Cabdiwali Maxamed Cabdi Cali – Ogaadeen / Reer Cabdile
  42. Xuseen Mahdi Boore – Ogaadeen / Reer Cabdile
  43. Axmed Cali Maxamed Cabdiwaaxid – Ogaadeen / Reer Cabdile
  44. Bashiir Maxamed Cabdiqaadir Saalix – Ogaadeen / Reer Cabdile
  45. Axmed Aadan Cabdi Ibraahim – Ogaadeen / Reer Cabdile

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News