MUQDISHO (Kaab TV) – Sacuudiga ayaa fuliyay xukun dil ah oo lagu fuliyay Maxamed Nur Xuseen oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay in uu dalkaasi si sharci darro ah ku geliyay maandooriyaha xashiishka.
Xukunka dilka, oo lagu fuliyay magaalada Najraan ee koonfurta Sacuudiga, ayaa si weyn loo dhaliilay, waxaana ehelada marxuumka ay sheegeen in uu helin xaquuq sharciyeed oo dhameystiran, oo ay ka mid tahay helitaanka qareen difaaca iyo fursad uu rafcaan uga qaato xukunka.
Sacuudiga ayaa si aad ah u kordhiyay xukunnada dilka, gaar ahaan kuwa la xiriira dambiyada daroogada.
Sida laga soo xigtay ururka Amnesty International, sanadkii 2024, dalkaasi waxa uu fuliyay 198 xukun oo dil ah, tiradii ugu badneyd ee la diiwaangeliyo muddo sanado ah.
Sacuudiga ayaa dadka ay qabtaan ku haya xabsiyo adag, waxaana aad u yar in dadka eedeysan ay helaan caddaalad buuxda oo ay isaga difaaci karaan eedeymaha loo jeediyo.