Mahad Cabdiraxmaan “Taliye Shub” iyo ciidankiisa oo gaaray duleedka Baydhabo

|

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan “Taliye Shub”, kana mid ah saraakiisha sare ee ciidamada daacadda u ah maamulkii hore ee Koonfur Galbeed ee uu hoggaamin jiray Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”, ayaa maanta gaaray deegaannada waqooyi ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada taageersan Laftagareen.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in Jeneraal Mahad iyo saraakiil la socotay ay halkaasi u tageen si ay u dardargeliyaan abaabul ciidan iyo qorshe la xiriira duullaan ay dib ugu qabsanayaan magaalada Baydhabo, oo tan iyo dhammaadkii bishii March ay gacanta ku hayaan maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe, kaas oo taageero ka helaya dowladda federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada gaaray jiidaha hore ay wateen gaadiid dagaal iyo ciidamo tiro badan, kuwaas oo la geeyay fariisimaha ay ciidamada taabacsan Laftagareen ku leeyihiin waqooyiga Baydhabo.

Ciidamadan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku jiray abaabul iyo is uruursi ka socday deegaannada gobolka Baay.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada taageersan Laftagareen ayaa qaaday weerarro dhowr ah oo lagu bartilmaameedsaday Baydhabo, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaadyo culus oo dhex maray iyaga iyo ciidamada daacadda u ah maamulka Aadan Madoobe.

Dagaalladaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin khasaaraha guud, waxayna dadweynaha qaar ka mid ah oo la hadlay Kaab TV ay sheegayaan in hoobiyaal ay ku soo dhacaan habeenadii gudaha magaalada.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan, oo horey u ahaa taliyaha ciidanka asluubta, ahna soddogga Laftagareen, ayaa dhowaan ka soo laabtay Kenya, halkaas oo uu ku sugnaa tan iyo markii uu ka baxay xabsi guri oo ay dowladda federaalka ku soo rogtay dabayaaqadii bishii March 2026.

Xilligaas ayay ciidamada dowladda federaalka iyo maleeshiyaad garab siinayay la wareegeen magaalada Baydhabo, taasoo keentay in Laftagareen iyo saraakiishiisa ay magaalada isaga baxaan.

Laftagareen ayaa Baydhabo ka baxay 28-kii March 2026, kaddib markii magaalada ay qabsadeen maleeshiyaad beeleedyo isugu jiray kuwo ka soo jeeda beelaha Hawiye iyo qaar ka tirsan beelaha Raxanweyn oo taageero ka helayay dowladda federaalka.

Mas’uuliyiinta Koonfur Gabeed ayaa ku eedeeyay in ciidamada Turkiga ay taageero dhinaca cirka ah siiyeen ciidamada weerarka ku qaaday Baydhabo.

Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa beryihii la soo dhaafay ku goodinaayay inay dib u qabsan doonaan Baydhabo.
Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa beryihii la soo dhaafay ku goodinaayay inay dib u qabsan doonaan Baydhabo.

Tan iyo markii uu ka baxay Baydhabo, Laftagareen wuxuu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ka waday dadaallo dib loogu abaabulayo ciidamadiisa iyo taageerayaashiisa.

Illaa iyo hadda, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan kama uusan hadlin warbaahinta socdaalkiisa ku aaddan duleedka Baydhabo iyo ujeeddada dhaqdhaqaaqyada ciidan ee uu hoggaaminayo.

Dhanka kale, ciidamada taageersan Laftagareen ayaa beryihii la soo dhaafay ku goodinaayay inay dib u qabsan doonaan Baydhabo.

Afhayeenkooda, Ugaas Xasan Maxamed, ayaa hore u sheegay in ay ka go’an tahay dib u qabsashada magaalada.

Toddobaadkii hore ayay sidoo kale soo saareen digniin ay u jeediyeen shacabka ku nool Baydhabo, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan xarumaha dowladda iyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada taageersan maamulka Aadan Madoobe.

Magaalada Baydhabo ayaa weli ku jirta xaalad amni oo aad u kacsan, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal hor leh uu mar kasta ka qarxo, maadaama labada dhinac ay sii wadaan abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqyada militari ee ku hareeraysan magaalada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News