Dhuusamareeb (KAAB TV) – Ka dib weerarkii waxyeelada ay ka soo gaartay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa soo baxaya shaki badan oo arintaas ka dhashay.
Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa diiday in Galmudug uu sii joogo isla markaana uu ka soo dego Taliyaha NISA Mahad Salaad oo shaki badan laga qabo.
Mahad ayaa ka mid ahaa xubno la socday Madaxwayne Xasan Sheekh kuwaas oo ku sugnaa magaalada Jabuuti, waxaana dib u soo laabashadiisa ka dib la xaqiiyay in Qoor qoor uu ka biyo diiday in Mahad uu ka soo dego Dhuusmareeb.
Madaxwaynaha Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabay in si gaar ah uu isaga ilaaliyo siyaasiin badan oo ka soo jeeda deegaanada maamulkaas, wixii ka danbeeyay weerarkii uu ku dhaawacmay madaxweyne Qoorqoor.
Madaxwayne Xasan ayaa u sheegay Mahad Salaad inuu u gudbo magaalada Muqdisho ka dib culays tagitaankiisa Dhuusamareeb uu ka qabo Madaxwayne Qoorqoor.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ka bilowday kala shaki ciidanka iyo mas’uuliyiinta ah Madaxwaynaha Galmudug ayaa hadda isu arko in Villa Soomaaliya awoodiisa ay la wareegtay isagana uu tijaabinayo markaan in deeganada Galmudug qofka uu doono ka mamnuuci karo ama uu u diido labaduba.
Waxaa gabaabsi ah muddada xilheynta Madaxweyne Qoorqoor iyo maamulkiisa. Waxaana muuqata in tartan adag uu wajahi doono, sida la sheegayo, Qoorqoor maadama hoggaanka Galmudug loo gali doono loollan taas oo shaki galisay Madaxwaynaha talada haya ee Qoorqoor isla markaana meel gaar ah uu ka ooto magaalada si amnigiisa loo sugo.
In mudda ahba siyaasiin badan oo Galmudug ka soo jeeda ma aysan isku wanaagsanayn Qoorqoor , waxaa ka mid ah xubnahaas Abshir Bukhaari oo ah wasiiru dowlaha Madaxtooyada.
Sidaay dadka wargalka sheegayaan keliya Xasan Sheekh uma joogo Dhuusamareeb howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab, ee waxa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ku howlan yahay sidii uu u xalin lahaa siyaasiin kala fakar duwan oo ay xurguf ay u dhaxeeyso taasoo la xiriirta arrimaha maamulka Galmudug.