SO | EN

SO | EN

Mahad Salaad oo loo magacaabay Agaasimaha NISA

|

Muqdisho (KAAB TV) -Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ayaa Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka, u magacaabay Mahad Maxamed Salaad.

War-saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiradda ayaa lagu sheegay in soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha lagu magacaabay Mahad Salaad.

Agaasimaha cusub Mahad Maxamed Salaad, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo hore u soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, iyo Agaasimaha Hey’adda NISA.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News