Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Mahadsanid Soomaaliya – W/Q: Danjire Larry André, Jr.

|

Diblomaasiyiinta Soomaaliya jooga – run ahaantii dunida dacaladeeda – waxa ku habboonaan lahayd inay raacaan taladii Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Hadraawi u ku tiriyey gabaygii Sirta Nolosha:

Hadalkana sar weedhiisa

Una saaf qofkii waaya

Ha ka tegin sarbeebtiisa

Hana gelin sursuur oodan

Hana lumin sargoyntiisa

Hana liqin sangaabtiisa

Ha ku saxan badheedhkiisa

Runta sogordoh haw yeelin

Ha suldaarin dooddiisa

Sisibaa wadaaggiisa

Sababee abbaartaada

Hana badin su’aashiisa

Sarrifkiyo tilmaantiisa

Saddex erey halkii dooni

Soddon yaanay kaa qaadan

Siddi-qabaxi yay raacin

Sare haw dhig-dhigin luuqda

Gacantana ha saydh-saydhin

Hana odhan wax sawliila

Anigoo raacaya tusaalaha Ustaadka hadalka, ereyada aan oron lahaa waa “Mahadsanid, Soomaaliya.”

Waad ku mahadsantihiin wada shaqaynta wacan. Suuqyadii faaruqsanaa ayaa dib u soo noolaaday. Dugsiyadii ayaa dib loo furay. Wadooyin maritaankooda halis ahaa ayaa hadda u banaan ganacsi, sahleyna safaradda qoysaska dib ugu midoobeen. Iskaashigeena amni wuxuu sahley bulshooyinkii dulmanaa ee baadda iyo xagjirnimada inay ku noolaadaan nabad oo ay bilaabaan inay dib u dhisaan horumarkooda. Waxaa aad ii dhiiri galisay geesinimada ay muujiyeen ciidamada iyo dukaanleyda sida ay u xoreeyeen bulshoyiinkooda. Dagaalka harsan, iyadoo la adeegsanayo tababaro iyo qalabayn, Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siinaayo dawladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka si loo ballaariyo madaxbannaanida Soomaaliya lana gaarsiiyo dhammaan dhulkeeda oo dhan.

Waad ku mahadsantihiin tusaalaha wanaagsan. Intii aan safiirka ahaa, waxaan fursad u helay in aan la hadlo Soomaalida ku nool Hargeysa ilaa Kismaayo iyo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Iyadoo wada sheekeysiga qaar uu ahaa mid aad u adag, ayaa intooda badan waxa ay igu beertay in aan ku farxey sida ay Soomaalidu heer kasta oo ay tahay bulshada uga go’an tahay in ay si buuxda u soo nooleeyaan dalkooda. Waxaan ka fikiraa aabaha reer Hiiraan oo ii sheegay in wiilkiisa askariga ah uu jecel yahay Soomaaliya iyo dadkeeda iyo rabitaankiisa inuu u dhinto. Mid ka mid ah madaxda bulshada magaalada Baydhabo ayaa iiga waramay sida ay ugu dadaalayaan hay’adaha samafalka inay diiwaan geliyaan ragga, haweenka, iyo qoysaska si loogu ogolaado inay helaan gargaar aad loogu baahan yahay inta lagu guda jiray abaarta. Ardaydii yarayd ee reer Muqdisho ayaa dhoolla caddaynaysay mar ay ka sheekaynaysay wax-akhris, waxaanay ku haminaysa inay macallimad noqoto. Kuwani waa sheekooyinka dhirigelineyso dib u soo noolaynta buuxda ee Soomaaliya. Tani waa sababta Maraykanku ugu rajo wayne yahay Soomaaliya midaysan, xoog badan, oo dimuqraadi ah, sababta aan u ahaanayno saaxiib la isku halayn karo oo dhinaca amniga ah iyo samatabbixinta bini’aadantinimo ee ugu weyn. $1.3 bilyan oo gargaar ah oo ka timid Mareykanka – in ka badan 70 boqolkiiba dhammaan deeqaha bini’aadantinimada – waxay ka hortagtay macaluul waxayna joojisay gaajo. Biyo nadiif ah oo la cabbo iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah oo ay bixisey dowlada Maraykanka ayaa ka hortagay in uu dillaaco daacuunka iyo jadeecada. Si ay Soomaaliya u dhisato dal midaysan, adag, oo dimuqraadi ah, waxay u baahan tahay dhammaan dadkeeda.

Waad ku mahadsantihiin rabitaankiina. Markii aan imid bishii Janaayo ee sannadkii lasoo dhaafay, waxaa jiray qaar ku hanjabay in Soomaaliya ay dib ugu laaban doonto rabshadihii iyo sharci-darrada 1990-meeyadii. Waxaa jiray kuwo kale oo rabay in Soomaaliya hore u socoto. Muuqaaladaasi waxa ay xasuusin weyn u ahaayen in guulihii aynu ka gaarno goobaha dagaalka, suuqyada iyo fasalada ay si degdeg ah u baabi’in karaan hagardaamooyin siyaasadeed oo aragti gaaban iyo dano gaar leh. Waxaan ka codsanayaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan inay dalkan horumariyaan. Waxaa ni eegaya in ka badan 100,000 oo arday oo dib ugu soo laabtay iskuullada iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda waxbarashada iyo USAID. Waxaa ni eegaya 8,000 ee beeralayda ah ee ku xiran suuqyada oo ka faa’ideysta qalabaytan farsamooyinka waraabka beeraha ee la wanaajiyay oo ay maalgelisay dowlada Maraykanka.

Waxaan markii ugu horreysay booqday Soomaaliya 2001, 22 sano kaddib, waxaan ku rajo weynahay mustaqbalka Soomaaliya, waxaana ixtiraam buuxda u hayaa hormarka dadka Soomaaliyeed gaareen. Saaxiibtinimadeyda iyo dadka Soomaaliyeed way sii jiri doontaa inta noloshayda ka dhiman. Mahadsanid, is arag dhambe Soomaaliya.

W/Q: Safiirka Maraykanka Larry André

Larry André waxa uu ahaa Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga soo bilaabo Janaayo 2022 ilaa May 2023.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News