Muqdisho (KAAB TV) – Bishii Diseembar 2023, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah u qaaday cunaqabateentii hubka ee Soomaaliya saarneyd tan iyo 1992, tillaabadaasi oo Dowladda Federaalka siisay fursad ay si toos ah uga soo dhoofsan karto hub iyo saanad militari, si loog xoojiyo dagaalka AS.
Tan iyo markii la qaaday cunaqabataynt, waxaa la arkayay walaac la xiriira saameynta ka dhalan karta hubka la soo galiyo dalka kaas oo u gacan gala Shacabka maamullada dalka.
Ciidamada badda ee Puntland ayaa todobaadkii hore gacanta ku dhigay markab lagu magacaabo Sea World oo ku xirtay xeebta Bareeda ee gobolka Bari.
Markabkaan oo ka yimid Turkiga, waxaa saarnaa gaadiid dagaal, hub culus iyo qalab milatari. Waxaana la sheegay inuu u soo socday magaalada Muqdisho, waxaana saanadda ciidan ee saarnaa loo waday xerada Turkiga ee Turksom.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay baarayaan saanada ciidan ee saaran Markabka, balse waxaa ka hadlashay dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday in ay soo fasaxdo Markabka, iyada oo ku tilmaamtay afduub.
Falanqeeyayaal ayaa arrintan u arka tusaale kale oo muujinaya isku xirnaan la’aanta dowlad dhexe iyo maamul goboleedyada gaar ahaan marka ay timaado amniga qaranka.
Dhacdada labaad waxa ay ka dhacday bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Caabudwaaq, halkaas oo dadka deegaanka ah ay qabteen laba gaari oo siday hub culus oo aan si cad loo shaacin cidda iska leh iyo halka loo waday.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmiga ah oo ay soo saartay Wasaaradda Amniga Galmudug 16-ka July 2024, “hubkaasi wuxuu ahaa mid si sharci darro ah uga soo gudbay xuduudda Itoobiya, waxaana la doonayay in si qarsoodi ah loo gudbiyo gudaha dalka.”
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu dhex arkayay hubkaas oo gacanta u galay dad shacab ah arrintaasi oo sii abuurtay walaac.
Haddaba maxay tahay saameynta ka dhalan karta hubka oo gacanta u gala cid aan ahayn Dowladda?
Inkasta oo caalamka aqoonsan yahay Nidaamka xakameynta hubka ee dowladda Federaalka haddana waxaa jira culeysyo ka imaanaya Maamul goboleedyada iyo Maleeshiyaadka deegaanka.
Inta badan goobaha hubkaan lagu qabtay si buuxda dowladda Federaalka ugama taliso, waxaana awood ku leh Maamul goboleedyada iyo maleeshiyaadka deegaanka.
Beesha Caalamka ayaa si dhaw ula shaqeysa dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dadaaleysa in ay hanato amniga guud ee dalka, balse waxa ay falanqeeyaasha tilmaamayaan in Nidaamka Federaalka dabrey dowladda oo aysan qaadi karin tillaabooyin hor leh.
Saameynta ka dhalan karta hubkaan ayaa ah in caalamka arko dhibaatada hubka soo galaya gudaha dalka, isagoo aan gaareyn goobihii sharciga ee loogu talagalay.

