SO | EN

SO | EN

Maleeshiyaad hubeysan oo dad Xoolo dhaqato ahaa ku dilay deegaan hoostaga degmada Matabaan

|

Matabaan (KAAB TV) -Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil laba ruux oo Xoolo dhaqato ahaa aroornimadii hore ee saakay loogu geystay deegaan hoostaga degmada Matabaaan ee gobolka Hiiraan.

Labada ruux ee Xoolo dhaqatada ahaa ayaa deegaan ahaan kasoo jeeday gobolka Hiiraan, waxaana dilkooda geystay sida la xaqiijiyay maleeshiyaad hubeysan oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Labada marxuum ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Bashiir Ganeey iyo Cali Daahir Rooble, kuwaas oo ahaa Wiil iyo Abtigiis oo Xoolo ku dhaqanaayay mid ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo dilka labada nin ayaa tilmaamaya inuu salka ku hayo aano qabiil iyo muran hore oo ka taagan deegaanada qaar ee hoostaga degmada Matabaan.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday, mana jiro ilaa hadda war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Matabaan iyo laamaha amaanka degmadaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Matabaan ayaa sheegaya in deegaanka dilka uu ka dhacay iyo deegaanada ku dhadhaw haatan laga dareemayo xaalad kacsanaan ah oo sababi karta inuu halkaas ka qarxo dagaal beeleed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News