Calmiskaad (KAAB TV) – Dagaal qaraar oo u dhaxeeyay ciidamada difaaca Puntland iyo xubno katirsan firxadka kooxda argagaxisada ah ee Daacish, ayaa xalay ka dhacay buuraleyda Xabley ee katirsan degmada Ufeyn ee gobolka Bari.
Sida ay Saraakiisha ciidamada Puntland, sheegeen in koox firxad ah oo katirsan Daacish xalay dagaal la galeen ciidamada difaaca Puntland, waxa ayna sheegeen saraakiisha in dagaalkaasi ku jabiyeen kooxdii weerarka kusoo qaaday kuna gaarsiiyeen khasaarooyin badan.
Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in la dilay inta badan kooxdii weerarka xalay kusoo qaaday ciidamada difaaca Puntland, waxa ayna intaas ku dareen ciidamada in hub kala duwan ka furteen kooxda firxadka ah ee xalay soo weerartay.
Dhanka kale, Ciidamada difaaca Puntland, ayaa saakay howlgallo kawada aaggii xalay lagu dagaalamay, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan dableydii ka hartay kooxdii xalay weerarka kusoo qaaday fariisimihii ay joogeen.
Sikastaba, Ciidanka Puntland, ayaa guulo lataaban karo ka gaaray dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada Puntland la wareegeen saldhigyo iyo goobo muhiim ah oo buuraha Calmiskaad kaga sugnaayeen kooxda Daacish.