ITOOBIYA (Kaab TV) –Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa Arbacadii khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyadoo ay ka wada hadleen xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga amniga ee muddada dheer.
War-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen “iskaashi wadajir ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, la-dagaallanka argagixisada, horumarinta dhaqaalaha, iyo dhisidda saldhig adag oo amni oo mustaqbalka fog ka hirgala Geeska Afrika.”
Qoraalka oo uu ku saxiixnaa afhayeen ku-xigeenka koowaad ee waaxda arrimaha dibadda, Tommy Pigott, ayaa lagu sheegay in wada-hadalku diiradda saaray iskaashiga u dhexeeya Maraykanka iyo Itoobiya ee arrimaha mudnaanta u leh gobolka, gaar ahaan xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka ayaa ahaa mid kooban, manuu bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tallaabooyin gaar ah ama heshiisyo ay labada dhinac ka gaadheen wada-hadalkooda. Wicitaankan ayaa imanaya kadib wada-hadal la mid ah oo labada hoggaamiye yeesheen horraantii bishii December 2025, kaas oo sidoo kale diiradda saaray iskaashiga amni ee gobolka.
Waqtigaas, warbixin ay baahisay warbaahinta Addis Standard ayaa tilmaantay in wada-hadalkaas diblomaasiyadeed uu ahaa mid aan caadi ahayn, maadaama aan lagu soo qaadin arrimaha gudaha Itoobiya sida xaaladda siyaasadeed, arrimaha bani’aadannimada ama maamulka—kuwaas oo inta badan lagu xuso wada-xaajoodyada rasmiga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Itoobiya.
Dhanka kale, wada-hadalka cusub ayaa kusoo beegmaya kadib booqasho uu gobolka ku tagay taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Dagvin Anderson, kaas oo socdaal ku maray Itoobiya, Somaliland iyo Puntland.
AFRICOM ayaa sheegtay in booqashadu ujeeddadeedu ahayd xoojinta dadaallada Maraykanka ee lagu cadaadinayo kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Al‑Shabaab, isla markaana lagu ballaadhinayo wada-shaqeynta amni ee dalalka gobolka.
Socdaalkan iyo wada-hadalladan ayaa muujinaya in Washington ay xoojinayso dadaalada la-dagaallanka argagixisada iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika, xilli gobolka uu wajahayo caqabado amni iyo siyaasadeed oo isa soo taraya.

