SO | EN

SO | EN

Maraykanka oo diiday in dal ku gal loo fasaxo xubno ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Dowladda Maraykanka ayaa diiday in dal ku gal loo fasaxo xubno badan oo ka mid ahaa wafdi ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qorshaynaysay in ayu dirto shirka 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA 80), kaas oo lagu qabanayo magaalada New York inta u dhaxaysa 9–23 Sebtember 2025.

Go’aankan ayaa loo arkaa cadaadis siyaasadeed oo lagu saarayo Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama dhowr jeer hore uu ka dhago adeygay talooyin iyo hawlo muhiim ah oo Washington ka soo jeedisay.

Waxana la xaqiijiyay in dad badan oo la qorsheeyay inay ka qeyb galaan shirka ay waayeen oggolaanshaha dal ku galka Maraykanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News