SO | EN

SO | EN

Maraykanka oo duqayn ka dhan ah Alshabaab ka geystay deegaan hoos yimaada Kismaayo

|

KISMAAYO (KAAB TV) -Dowladda Federaalka Soomaaliy iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo iskaashanaya ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaan qiyaastii 40km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan ayaa la sheegay in si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan kooxda -Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku howlanaayeen qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo lagu bartilmaameedsanayo shacabka Soomaaliyeed, ciidamada ammaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan uu qeyb ka yahay dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, isla markaana uu muujinayo sida uu u shaqeynayo iskaashiga dhanka amniga ee Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Dowladda Federaalka ayaa uga mahad celiyay Taliska AFRICOM howlgalka uu fuliyay, iyadoo sidoo kale markale adkaysay sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha caadeystay daadinta dhiigga shacabka.

Maraykanka ayaa in ka badan 25 duqayn ah oo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish ka fuliyay Soomaaliya sanadkan gudihiisa, waxaa uu ku dilay boqolaal kamid ah dagaalamashooda, si uu uga hortago halistooda.

Dhawaan Maraykanka ayaa sheegay inuu joojiyay inuu shaaciyo khasaaraha howgallada uu ka fuliyo Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News