SO | EN

SO | EN

Maraykanka oo duqeyn ku dilay 2 xubnood oo ISIS-Somalia

|

BOOSAASO (Kaab TV) – Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay inuu duqeyn cirka ah ka fuliyay waqooyi-bari Soomaaliya Axaddii, 16-ka Febraayo 2025, iyagoo bartilmaameedsaday deegaanka Kunle ee Al-Miskaad.

“Qiimeynta hore ee taliska waxay muujineysaa in duqeyntu dishay laba xubnood oo ka tirsan ISIS, mana jirto waxyeello soo gaartay dad rayid ah,” ayaa lagu yiri bayaan AFRICOM kasoo baxay.

Howlgalkan ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba dagaalyahan oo ka tirsan kooxda ISIS-Somalia.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ciidamada ammaanka Puntland ay dagaal culus kula jireen dagaalyahanada ISIS-Somalia ee ku sugan buuraha tan iyo bishii Diseembar.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay dib uga saareen kooxda in ka badan 70% dhulka ay ku sugnaayeen.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale taageero siinaysay ciidamada Puntland, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah iyo gargaar dhanka sahayda ah.

AFRICOM ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadida howlgallada ka dhanka ah kooxda.

“Yareynta awoodda ISIS iyo kooxaha kale ee argagixisada ah si ay u qorsheeyaan weeraro khatar ku ah Mareykanka, saaxiibadeena, iyo dadka rayidka ah” ayaa weli ah yoolka ugu weyn, ayay AFRICOM sheegtay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News