Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay fuliyeen habeenkii toddobaad oo xiriir ah duqeymo ka dhan ah Iran, tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay in xabbad-joojintii ku-meel-gaarka ahayd ay fashilmatay, isaga oo ku eedeeyay hoggaanka Iran inay sabab u yihiin fashilka xabbad-joojinta.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in diyaaradaha Mareykanka iyo maraakiib ku sugan badweynta ay duqeymo culus la beegsadeen xarumaha saadka militariga, bakhaarro hub oo dhulka hoostiisa ah iyo taliska badda ee Iran.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalada Yazd, jasiiradda Qeshm, iyo dekedda Bandar Abbas, oo ku taalla agagaarka marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.
CENTCOM ayaa sheegtay in howlgalka la soo gabagabeeyay saacaddu markay ahayd 9:30 fiidnimo waqtiga Bariga Maraykanka, iyadoo la adeegsaday diyaaradaha dagaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), maraakiib dagaal iyo qalab kale oo militari.
Iran oo beegsatay Kuwait iyo Jordan
Dhanka kale, Iran ayaa sheegtay inay uga jawaabtay duqeymahaas iyadoo beegsatay xulafada Maraykanka ee gobolka, oo ay ku jiraan Kuwait, Jordan iyo Baxrayn.
Wasaaradda Korontada iyo Biyaha ee Kuwait ayaa sheegtay in warshad kale oo koronto iyo biyaha lagu sifeeyo ay dab qabsaday kadib weerar lagu qaaday, taasoo sababtay in qaar ka mid ah unugyadii korontada la damiyo.
Ciidamada Jordan ayaa sheegay inay hawada ku qabteen 10 gantaal oo Iran soo ridday xilli ay soo galeen hawadeeda, iyadoo aan wax khasaare ah la soo sheegin.
Sidoo kale, Baxrayn ayaa sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu fashiliyay weerarro Iran ka yimid.

Maraykanka iyo Iran ayaa bishii Juun ku heshiiyay xabbad-joojin si loo furo wadahadallo lagu soo afjarayo colaadda.
Inkasta oo xabbad-joojinta inteeda badan la ilaaliyay, Iran ayaa weerarro ku qaaday maraakiib shidaal si ay ugu qasabto inay oggolaansho ka qaataan Tehran marka ay marayaan marin-biyoodka Hormuz. Weerarradaas ayaa horseeday duqeymo uu Maraykanku ku qaaday gudaha Iran.
Kadib markii wadahadalladii lagu guuldareystay, Madaxweyne Trump ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in xabbad-joojintii ay dhammaatay.
Tan iyo markaas, Maraykanku wuxuu dib u soo rogay go’doomin dhanka badda ah oo ka dhan ah dekedaha Iran, halka Iran ay sheegtay inay xirtay marin-biyoodka Hormuz, taasoo sababtay in isu socodkii maraakiibta ganacsigu si weyn u istaago.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah marin ay maraan ku dhowaad 20% shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka laga dhoofiyo, waxaana khubaro caalami ah ay ka digeen in xiisaddan ay saameyn ku yeelan karto sahayda tamarta adduunka.
Dhanka kale, Maraykanka ayaa beeniyay war ay baahisay wakaaladda Fars ee Iran oo sheegaysay in laba markab oo shidaal ay ku qarxeen marin miinooyin lagu aasay koonfurta Hormuz, isagoo ku tilmaamay “war aan sax ahayn”.

Sidoo kale, Washington ayaa diidday eedeymaha Tehran ee ahaa in la beegsaday kaabayaal rayid ah sida buundooyin, saldhig tareen iyo garoon diyaaradeed oo rayid ah.
Si kastaba, muuqaallo la xaqiijiyay ayaa muujiyay burbur soo gaaray Buundada Gariveh ee gobolka Hormozgan, halkaas oo mas’uuliyiinta gobolka ay sheegeen in ugu yaraan toddobo qof ay ku dhinteen weerarrada.
Aqalka Cad ayaa ku adkeystay in dhammaan duqeymaha Maraykanku ay ku koobnaayeen bartilmaameedyo militari, halka taliska dhexe ee CENTCOM uu sheegtay in sidoo kale la burburiyay munaarad laga hago dekedda Chabahar, taasoo mareykanka ku tilmaamay inay qayb ka ahayd shabakadda kormeerka badda ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC).

