Muqdisho (KAAB TV) –Maraykanka ayaa laga yaabaa inuu waqti dheer ku qaato go’aanka uu dib ugu bilaabayo maalgelinta howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kadib kulan ay yeesheen Guddiga Xiriirka Dibadda ee Aqalka Senate-ka ee u qaabilsan Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.
Kulankan oo diiradda lagu saarayay isbeddelada siyaasadeed iyo ciidamada shisheeye ee ka hawlgala Geeska Afrika, ayaa walaac looga muujiyay dalal uu Turkigu kamid yahay oo saamayn xooggan ku leh arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Maraykanka ayaa hore u sheegay in Soomaaliya aysan ku habboonayn qaabka maalgelinta ee loo yaqaan ‘2719 framework ee uu Golaha Amamanku meel mariyay, kaas oo dad badan u arkaan midka ugu habboon howlgalka. Maraykanku ku baaqay in la eego habab cusub oo dhaqaale uruurin ah.
Warar dambe ayaa sheegaya in madaxda Midowga Afrika ay qorsheynayaan safar ay ku tagaan Washington si ay wadahadallo ula yeeshaan maamulka Maraykanka iyo deeq-bixiyeyaasha kale, kadib markii la baajiyay shir deeq-bixiyeyaasha ah oo lagu waday inuu bishii hore ka dhaco magaalada Doha ee dalka Qatar.
Waxaa weli mugdi ku jira in arrintan laga hadli doono intii uu socdo booqashada Madaxweyne Donald Trump uu toddobaadkan ku tegayo Qatar.