Maraykanka oo lagula taliyay in uusan ka mashquulin khatarta Daacishta ka dagaalanta buuraha Calmiskaad

|

Falanqeeye Maraykan ah ayaa ka digay in diiradda maamulka Washington uu saarayo xiisadaha Iiraan iyo dagaalka Ukraine ay hoos u dhigi karto feejignaanta laga hayo kooxda Daacish, gaar ahaan laamaheeda ka hawlgala Afrika iyo joogitaankeeda buuraha Cal Miskaad ee Puntland.

Jose Lev Alvarez oo wax ku qora wargeyska Washington Examiner, kana faallooda arrimaha amniga caalamiga ah, ayaa sheegay in Daacish ay sii xoojinayso dhaqdhaqaaqyadeeda qaaradda Afrika, halka qaybo ka mid ah shabakaddeeda Bariga Dhexe ay weli hayaan awoodda abaabulka iyo faafinta dacaayadda kooxda.

Qoraaga ayaa tilmaamay in laamaha Daacish ee Galbeedka Afrika, Saaxilka, Bartamaha Afrika iyo Mozambique ay qayb weyn ka yihiin weerarrada kooxda ee caalamka, isaga oo ka digay in haddii aan fiiro gaar ah loo yeelan dhaqdhaqaaqyadaas ay kooxda u suurageli karto in ay dib u dhisto awooddeeda hawlgaleed.

Alvarez ayaa si gaar ah u xusay buuraha Cal Miskaad iyo Calmadow ee gobolka Bari, isaga oo sheegay in deegaannadaas ay muhiim u yihiin laanta Daacish ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday hoggaamiyaha laantaas, Cabdulqaadir Muumin, oo uu ku tilmaamay shaqsi xiriir la leh hoggaanka sare ee kooxda.

Falanqeeyuhu waxa uu ku dooday in Daacish ay sii waddo hawlgalladeeda inkasta oo cadaadis milatari lagu hayo iyo dilalka ku dhacay qaar badan oo ka mid ah dagaalamaayasha kooxda. Waxa uu xusay in laamaha Afrika ay samaysteen ilo dhaqaale oo maxalli ah, taas oo ka caawin karta in ay sii wataan dhaqdhaqaaqyadooda.

DHEERAAD:  Dhawaqa Hoobiyaal oo Xalay Cabsi Geliyay Shacabka Baydhabo

Waxa uu ugu baaqay Maraykanka in uu kordhiyo dadaallada sirdoonka iyo tallaabooyinka ka dhanka ah shabakadaha Daacish ee Afrika, isaga oo ku adkaystay in khatarta kooxda aan loo arkin arrin ka hooseysa xiisadaha kale ee caalamiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News