Maraykanka (Kaab TV) –Dowladda Maraykanka ayaa gacanta ku dhigtay markii labaad oo kasoo ambabaxay dalka Venezuela sida ay ku warrantay Waaxda Amniga Gudaha Dalkaas oo warbixin hordhac ah kasoo saartay howlgalkaan qorsheysnaa ee dhacay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan amar ku bixiyay in la beegsado Maraakiibta ka timaada ama u socota Dalka Venezuela si looga hortago daroogada uga soo gudubta dhinaca dalkaas sida uu hadalka u dhigay.
Xoghayaha Waaxda Ammaanka Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, oo waaxdeedu kormeerto Ciidanka Xeebaha ayaa muuqaalka howlgalka ku baahisay barteeda X ee horay loo oran jiray Twitter iyada oo raacisay macluumaad kooban.

