Muqdisho (KAAB TV) –Dood adag ayaa ka taagan gudaha dalka Mareykanka, taasoo ku saabsan duqeymaha cirka ee Maraykanka uu ka geysto Soomaaliya oo aan xal waara u noqon dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Dooddan ayaa sare u qaadday baaqyada loo jeedinayo dowladda Mareykanka, si dib loogu eego istaraatiijiyadda ay ku wajahayso Soomaaliya, loona raadiyo xal siyaasadeed oo sal adag ku dhisan.
Tan iyo soo laabashadii Madaxweyne Donald Trump, Mareykanka ayaa kordhiyay weerarrada cirka (drone strikes), hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa weli ah mid firfircoon, iyadoo xitaa dib u qabsatay deegaanno horay looga saaray sanadkii 2022.
Tani waxay dhalisay su’aalo la iska weydiinayo xarumaha go’aan-qaadashada ee Washington, oo ay dad badan ku baraarugsan yihiin in 15 sano oo duqeymo joogto ah aysan keenin guul istiraatiiji ah.
Warbixin dhawaan lagu daabacay The New York Times ayaa iftiimisay in Mareykanku si xad dhaaf ah xoogga u saaray xalka milatari ee Soomaaliya, isagoo dayacay dhabbaha siyaasadeed ee dowlad-dhis waara, la dagaalanka musuqmaasuqa, iyo dhisidda hay’ado hufan oo haysta kalsoonida shacabka.
Inkastoo duqeymaha cirka ay la beegsadeen saraakiil sare iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, haddana lama hayo caddeyn muujinaysa in ay si buuxda u wiiqeen awoodda kooxda.
Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay in ay la qabsatay istaraatiijiyadda dagaalka Mareykanka, iyadoo qaadatay xeelado cusub iyo dib-u-habeyn joogto ah oo lagu yareynayo saameynta weerarada cirka.