Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday 28 milyan oo dollar oo ay ku bixinayso sanadka ugu horeeya labo mashruuc oo shan sano ah si kor loogu qaado adkeysiga iyo sugnaanta cunnada ee Soomaaliya, Safiirka Mareykanka Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday mar uu shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Danjire Riley ayaa sheegay in barnaamijyadan ay caawin doonaan in ka badan 80,000 oo qoys oo Soomaaliyeed oo ku nool Soomaaliya.
“Sanadkan, Mareykanka wuxuu ku kabi doonaa maal-gelintiisa ballaaran ee gargaarka degdegga ah ee Soomaaliya iyadoo 28-milyan oo doollar oo kale uu ku taageerayo sanadka ugu horreeya ee laba mashruuc oo cusub oo adkeysi shan sano ah iyo hubinta cuntada. Shanta sano ee soo socota, barnaamijyadani waxa ay caawin doonaan in ka badan 80,000 qoys oo Soomaali ah—ama ku dhawaad 500,000 oo qof—dhisidda hab-nololeed waara, horumariyaan raasamaal maaliyadeed, korna u qaadaan kaydkooda iyo hantidooda.”
Maalgelintu waxay taageeri doontaa laba mashruuc oo waaweyn oo ay fulinayaan shuraakada sida World Vision iyo Save the Children. Mashruucii ugu horeeyay waxa uu bixin doonaa tababaro iyo qalab lagu heli karo nolol waara oo ku saabsan beeraha, maamulka xoolaha, iyo horumarinta ganacsiga yaryar. Midda labaad waxay kor u qaadi doontaa xoojinta dhaqaalaha iyada oo la wanaajinayo helitaanka maalgelinta yar yar iyo yaraynta xasilloonida dhaqaale ee bulshooyinka nugul.
Sannadka 2024-ka, qiyaastii 6.9 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa la filayaa inay u baahdaan gargaar bini’aadantinimo, sababo la xiriira cimilada daran, amni-darrada iyo faqriga. Saddexdii sano ee la soo dhaafay, Maraykanku waxa uu Soomaaliya ugu deeqay in ka badan 2 bilyan oo doollar oo gargaar bini’aadantinimo ah.