New York (KAAB TV) – Dowladda Mareykanka ayaa baadi goob badan ugu jirta hoggaamiyaal katirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo aas aasan gudaha Somalia Mareykanka ayaana ku eedeeyay xubanahaan iney galeen danbiyo kala duwan.
Sidoo kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka gaar ahaan qeybteeda bixinta abaalmarinada ayaa lacag abaalmarina ah dul dhigtay hoggaamiye kamid ah kooxda Al-Shabaab oo siweyn loo baadi goobayo.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa lacag dhan 5Milyan oo abaalmarin ah ubalan qaaday cidii soo gudbisaa xog ku saabsan hoggaamiyahaas iyo macluumaad lagu aqoonsakro nin lagu magacaabo Abuukar Cali Aadan oo katirsan hoggamiyaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca kaqaaday in Abuukar Cali Aadan uu yahay kuxigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab sanado badana usoo ahaa madaxa milateriga Al-Shabaab iyo madaxa jabhadaha.