New York (KAAB) – Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag kusoo rogtay wasiirka gaashaandhigga dalka Mali Col Sadio Camara iyo taliyaal katirsan ciidamada milatariga ee dalkaasi.
Wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay wasiirka gaashaandhigga Mali iyo taliyaha ciidamada cirka iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna saddexdan masuul Mareykanka ku eedeeyeen fududeynta isballaarinta Kooxda Wagner ee Ruushka .
R/Wasaaraha Mali Choguel Kokalla Maïga, ayaa si kulul uga hor-yimid una dhaleeceeyay cunaqabateynta Mareykanka uu kusoo rogay masuuliyiintan katirsan dowladda, waxa uuna cunaqabateyntan ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.
“Cunaqabateynta saaran saraakiisheenna geesiyaasha ah, Wasiirka Gaashaandhigga Col Sadio Camara, Gen Alou Boi Diarra, Col Adama Bagayoko, ma laha ujeeddooyin aan ka ahayn in lagu mashquuliyo dadka Mali ma jiraan wax naga mashquulin doona shaqada dib u dhiska Mali,” ayuu yiri Mr Maiga .
Wasiirka gaashaandhigga dalka Mali iyo labada taliye kale ayuu Mareykanka sheegay in ay sabab u yihiin dalka Mali isku ballaariyaan kooxda calooshood u shaqeestayaasha Wagner oo dalkaasi u tagay la dagaalanka Islaamiyiinta hubeesan.