SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo dadkiisa ka daadgureynaya Sudan

|

Nairobi (Kaab TV)- Dowladda Mareykanka ayaa isku diyaarinaysa in ay ciidamo badan oo dheeri ah u dirto saldhigga ay ku leedahay dalka Jabuuti haddii ay sii socdaan dagaallada weli ka socda dalkaasi Sudan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ‘The Pentagon’ ka ayaa xaqiijisay in diyaar garowgan loogu talagalay in lagu daadgureeyo shaqaalaha iyo saraakiisha safaaradda Mareykanka ee Suudaan.

Ma sahlanaan doonto in shaqaalaha safaaradda dibadda loo saaro, sida ay qireen qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka.

Gudahan Sudan waxaa hadda Mareykanka ka jooga dad lagu qiyaasay 19,000 oo muwaadiniin Mareykan ah oo la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Suudaan.

Labada Jeneraal ee ku dagaalamaya Sudan: Abdel Fattah al-Burhan (midig) iyo Mohamed Hamdan Dagalo Hemedti (bidix).

Maraykanka ayaa ciidamo dheeraad ah u raray dalka Jabuuti, halkaas oo uu saldhig ku leeyahay.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay ay sii xoogeysteen dagaallada ka socda Suudaan; Duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ka geysteen bartamaha magaalada Khartoum ee caasimadda dalkaasi, ayaa ka mid ahayd weerarradii ugu cabsida badnaa ee ilaa hadda laga geysto.

Laakiin hawada Suudaan weli way xiran tahay.

Garoonka caalamiga ah ee magaalada Khartoum ayaa waxaa ka dhacay duqeymo xoogan, iyadoo diyaarado burburay ay daadsan yihiin laamiga.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu sheegay in dagaalka halkaas ka socda awgeed, daadgureyntu aysan hadda ahayn mid ammaan ah.

Dhimashada dagaalka ka socda Sudan ayaa gaartay 330, iyadoo ku dhawaad 3,200 oo kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee “W.H.O”.

Isku dhacyada labada Jeneraal – Abdel Fattah al-Burhan iyo Mohamed Hamdan Dagalo Hemedti – waxay meesha ka saareen rajadii laga qabay u gudubka dimoqraadiyad ay shacabku hogaaminayaan oo ka dhacda dalka Sudan oo ah kan dhul ahaan ugu ballaaran qaaradda Afrika.

Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku baaqay xabbad-joojin saddex maalmood ah oo lagu xusayo ciida Al-fidriga, balse xabbad-joojintii hore ma aysan dhicin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News