SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay buuraha gobolka Bari ee Calmiskaad

|

Calmiskaad (KAAB TV) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in ay Sabtidii duqeymo kala duwan ka fuliyeen degaanno koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxo ka tirsan Daacish.

Sidoo kale, Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo si kooban u soo saaray qiimayn hordhac ah ayaa sheegay in tiro ka mid ah dagaallamayaasha Daacish lagu dilay duqeymahan, isla markaana aysan jirin wax khasaaare ah oo rayidka ka soo gaaray

“Qiimaynta hordhac ah waxay muujinaysa in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish ku dhinteen duqeymaha islamarkaana aysan jirin cid rayid ah o waxyeello ka soo gaartay” ayuu yiri Taliska AFRICOM.

Dhanka kale, buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa waxaa bilahan dambe ka socday howlgal ciidamada Puntland ku doonayaan iney kaga sifeeyeen kooxda Daacish oo halkaas fariisimo ku leh, waxayna ciidamada Puntland oo mararka qaarkood taageero dhinaca cirka ah ka helaya Mareykanka ay Daacish ka saareen goobo badan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News