SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo duqeymo lagu beegsaday firxadka Daacish ka fuliyay buuraha Calmiskaad

|

Calmiskaad (KAAB TV) – War qoraal ah oo kasoo baxay Puntland  ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo culus xalay lagu garaacay togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin firxadkii dagaallamayaasha argagixisada Daacish ee baxsadka ah.

Sidoo kale, Bayaanka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in duqeynta diyaaradeed ee xalay ka dhacday togga Miiraale, taasi oo ay fulisay dowladda Mareykanka islamarkaana lagu beegsaday firxadka mileeshiyaadka argagixisada Daacish ee ku go’doonsan toggaasi.

Dhanka kale, ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lala helay bartilmaameedyo sax ah, oo ay isku urursanayeen mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo dhaca bartamaha togga Miiraale, halkaasi oo ay dhawaanahan sahan dhammaystiran ku sameeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee (Drones-ka).

Wararka ayaa sheegaya in dhawaqa duqeyntaasi oo ahayd mid aad culus laga maqlay degaanno masaafo dheer ka baxsan togga Miiraale, inkastoo aan weli xog faahfaahsan laga helin khasaaraha mileeshiyaadka Daacish ka soo gaaray duqeyntaasi

Sikastaba, diyaaradaha dagaalka dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa marar badan duqeymo culus ku garaacay qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad oo ay ku dhuumaaleesanayaan xubno katirsan hoggaanka iyo dagaalyahannada kooxda Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News