SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo laga joojinaayo isticmaalka Tiktok maalinta Axada 19-ka bishan January

|

New York (KAAB TV) – Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay diiddi doonto codsi uga yimid, madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump si looga hortago mamnuucida Mareegta loo yaqaan TikTok, oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Sidoo kale, Shirkadda Tiktok ayaa horey loogu sheegay in la xiri doono haddii aysan iibin shirkadda ByteDance ee iska leh Mareegta Tiktok, ugu dambeyn maalinta Axadde ee 19 bishan Jannaayo 2025, hasa ahaatee shirkadda ayaa iska diiday in ay iibiso waxa ayna ku adkeysatay mowqifkeedii hore ee ahaa in aysan iibin doonin, Mareegteeda Tiktok.

Dhanka kale, Trump ayaa uga mahadceliyay TikTok inay door weyn ka qaadatay ololihiisa doorashada uu ku guuleystay markii laga mamnuucay baraha kale, waxa uuna hadda iskudayaya dadaalna ku bixinayaa in la joojiyo go’aanka looga mamnuucayo gudaha Mareykanka, taasi uma muuqato inuu ku guuleysan karo, iyadoo ugu dambeyn Axadda toddobaadka dambe laga saari doono barta TikTok dhammaan adeegyada telefoonnada oo App Store ku jiro ee gudaha Mareykanka, sida ay sheegtay maxkamadda sare ee dalak Mareykanka.

Sikastaba, Donald Trump ayaa ah qofkii furay galka dacwada ka dhanka ah Tiktok muddo xileedkiisii hore, isagoo ku eedeyay shabakad la shaqeysa sirdoonka Shiinaha, wixii intaa ka dambeeyay shirkadda Shiinaha ee iska leh bartan ayaa lagu cadaadiyay inay ka iibiso shirkad ama qof Mareykan ah si ay uga dhex shaqeyso gudaha Mareykanka, taas oo ay diidday shirkadda ByteDance, ee dalka Shiinaha

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News