SO | EN

SO | EN

Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Tahriibayaasha

|

Washington (Kaab TV)- Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah gayn doonto si ay gacan uga gaystaan sugidda amniga xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli saraakiisha ay ka cabsi qabaan inay sare u kacaan muhaajiriinta isku dayaya inay kasoo gudbaan xuduudda mareykanka eyna 11-ka May dhammaandoonaan xayiraadaha socdaallka ee la xiriira COVID-19.

Qiyaastii 1,500 oo askar ah ayaa la gayn doonaa xuduudda kuwaasi oo dheeri ku noqon doona 2,500 oo horey halkaas u joogay si ey u taageeraan mas’uuliyiinta ilaalada xuduudda.

“Muddo 90 maalmood ah, shaqalaahan militari waxay buuxin doonaan firaaqyo xasaasi ah waxaaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay Pentagon-ka Sarreeye Guuto Pat Ryder.

Marka la gaaro 11-ka May, maamulka madaxweyne Biden ayaa qaadi doona xeerka Title 42 oo ah xayiraad adag oo uu soo saaray madaxweyne Donald Trump, si uu u diido soo gelitaanka muhaajiriinta, una eryo dadka magan-galyo doonka ah ayada oo qiil laga dhiganayo COVID-19.

Ayada oo la fududeynayo xeerarkii Coronavirs oo ey ku jirto go’aankii Isniinta ee lagu soo afjaray tallaalka looga baahnaa dadka usoo safraya Mareykanka maamulka Biden qiil kama dhigan karo xeerka Title 42 si loo xakameeyo muhaajiriinta.

Taa beddelkeeda, maamulka ayaa qorsheynaya inuu Muhaajiriinta ku xakameeyo adeegsiga Xeerka Title 8, oo dambi ka dhigaya kasoo tallaabista sharci-darrada ah ee xuduudda, taasi oo qofka sidaas sameeya u diideysa inuu sharci helo mustaqbalka.

Washington ayaa sheegtay inay rajeyneyso in muhaajiriinta iyo magan-galyo doonka ay hadda isku diiwaan geliyaan wareysiga saraakiisha socdaalka ayaga oo jooga dalalkooda, ama dalalka ay soo maraan kahor inta aanay iman xuduudda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News